Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Qabatay Kulanka Wadatashiga Iyo Faahfaahinta Heshiiska Doorashooyinka Ee GW May 2023

ย 

Muqdisho 19-20 Nov 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa daahfuray ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐–๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐…๐š๐š๐ก๐Ÿ๐š๐š๐ก๐ข๐ง ๐ ๐ž๐ž๐๐ข ๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š (๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐†๐–๐) ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ‘.

ย 

โžHoggaanka dalka Soomaaliya waxaa ay bishii May gaareen heshiis taariikhi ah oo ku saabsan arrin soo taagnayd oo ahayd in laga raro dalka doorasho dadban, oo loo guuro qof iyo cod โž ayaa ka mid ahaa kelmadda Wasiirka.

ย 

Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa kaqeybgalayaasha ku booriyay in ay wax ku biiriyaan wadatashiga isaga yiri, โž Maanta wax ku daristiinna wadatashiga waa muhiim, sanadihii dambe heerka doorashada hoos u dhac ayaa jiray. marka si looga baxo, waa in aan xoog isugu geyno in la saxo, oo dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah โž.

ย 

Sidoo kale Munaasabadda waxaa laga soo jeediyay Warbixinno iyo Doodo Cilmiyeed ku aaddan faahfaahinta Heshiiska Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee May 2023.

ย 

Sidoo kale, Maalinta ee kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Saaaxibada Caalamiga ee Soomaaliya ka taageeraa dhanka Dowlad Dhiska iyo Dimuqraadiyadeynta, waxaana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka kala socda Dowladda.

ย 

โ€ Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta mudane Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka halday madasha ayaa yiri โ€œ54 sano ayaa kasoo wareegtay doorashadii ugu dambeysay Soomaaliya ee qof iyo cod Dimoqoraadi ah oo tartan loo galay

ย 

Ugu Dambayn, Mudane Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqiย  ka hadlay kulanka ayaa sharraxay ahmiyadda heshiiskii doorashada isaga oo ka yiri โ€œSoomaaliya waxaa ay ku asteysan tahay madaxweynihii ugu horeeyay oo laga guulaysatay oo xilka iska dhiibay, taariikhdaas qiimaha badan ayaan leenahay, waxaa ay hoggaanka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada goโ€™aansadeen in aan lagusii jiri karin doorashooyin umadda kala qeybinaya oo aan loo sinnayn, oo qofka Soomaaliga ah lagu xadgudbo, waxaan la goโ€™aansaday in nidaamka caalamiga ah la qaatoโ€.

ย 

Dhanka kale mudane Axmed Fiqi waxaa uu xusay sida matalaadda loogu celiyay shacabka โ€œ23 sano ayaa lagu jiray xulasho oo odeyaal iyo ergo ah, hadda nidaamakan doorasho waa mid dadka lagu doorto ay kalsooni ka heystaan oo matali kara bulshadaโ€ ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyay.

ย