Muqdisho, 29 Oct 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qaybgalay Munaasabad Baroordiiq ah oo lagu xusaayay Shuhaadada ku nafwaayay Qaraxii Sobe 2 oo ay khawaarijta ku beegsadeen Shacab isugu jira Arday, Haweenka Iibiya Hilibka iyo Qaadka iyo Masjidka Soobe oo dhacay 29 Oct 2022.
Wasiir Fiqi ayaa iyo ka qaybgalayaasha Xuska ayaa si wadajir ah Quraan uga akhriyay una duceeyay shuhaadada, intaasi ka dib Wasiir Fiqi wuxuu caddeeyay in khawaarijta ay marwalba bartilmaameed u yihiin Bahda Waxbarashada iyo haldoorka ummadda, wuxuu tusaale usoo qaatay Qaraxii Shamoow oo lagu laayay Arday, waalidiin, Macallimiin iyo Wasiirradii Waxbarashada & Caafimaadka.
Dhanka kale, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in way wajib tahay in laga aarguto Khawaarijta, isla markaana lala shaqeeyo Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed laguna taageero qaab walba.
Ugu Dambayn, Munaasabadda sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada, Caafimaadka, Guddoomiyaha Hay’adda SODMA, Madaxda Bahda Waxbarashada iyo Ardayda Soomaaliyeed.