Xarardheere, Sept 01, 2023; Wasiirka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Mudane Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee BF iyo maamulka degmada Xarardheere ayaa maanta kormeeray goobo badan oo loogu adeego bulshada sida Isbitaalka, iskuulka, sladhigga degmada iyo meelo kale.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Mas’uuliyiinta la socotay waxaa ay u kuurgaleen xaaladda goobahaasi iyaga oo dhageystay qaabka shaqo, baahiyada adeeg ee jirta iyo sida wax looga qaban karo.
Dhammaan goobaha la booqday waxaa ka muuqatay dib u howlgwlin iyo dayactir lagu sameeyay Shabaab kadib, waxaase u dhimman qalabeyn, tayeyn iyo arrimo badan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya oo la hadlay maamullada kala duwan ee goobaha uu booqday ayaa ku bogaadiyay shaqada adag ee ay degmada u hayaan, haddii ay ahaan lahayd dhabiibidda bukaanno meelo fog laga keenay, caruur xilli adag wax baraneyso iyo saldhig degmada oo wax badan ka tari doona amniga.
Dhanka kale, Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxaa ballanqaaday in ka dowlad ahaan ay gacan weyn ka geysan doonaan horumarinta goobaha adeegga bulshada, hortabinna ay u tahay xukuumadda Dan Qaran iyo barnamaijyadeeda Xasillinta sidii loo dabooli lahaa baahiyada deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xoreynayo.