Wasiir Fiqi Oo Kulan La Qaatay Madaxda ATMIS

 

 

Muqdisho Luulyo 02,2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS Danjire Maxamex El-Amine Souef.

 

 

Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahaa taliyaha ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Ciidan Booliska ee ATMIS Hillary Sao Kanu.

 

 

Kulanka ayaa looga hadlay dedaallada nabad dhiska Soomaaliya, Xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyay Kooxda Khawaarijta iyo arrimo la xiriira goobaha ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya kala wareegeen ATMIS.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay doorki ATMIS ee ku aaddan taagerida Nabad dhiska Soomaaliya iyo ka shaqaynta meelaha sharciyadda ay u leeyihiin.( Mandate).