Wasiir Fiqi Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda.

 

Muqdisho Juun 06, 2023, Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Sanad Guurada 63-aad ee Maalmaha Xorriyadda Xorriyadda 26 Juun iyo Midnimada 1-da Luulyo.

 

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyada ayaa xubnaha ugu muhiimsan ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna kala yihiin;

 

  1. Danjire Ahmed Moallim Fiqi Guddoomiyaha Guddiga

 

  1. Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Xubin Guddiga.

 

 

  1. Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka XFS, Xubin Guddiga.

 

  1. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Maaliyadda XFS, Xubin Guddiga.

 

 

  1. Mudane Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Xubin Guddiga.

 

  1. Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Xubin Guddiga.

 

 

  1. Mudane Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha XFS, Xubin Guddiga.

 

  1. Shiekh Yuusuf Xuseeen Jimcaale Madaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xubin Guddiga.