- June 6, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Wararka
Muqdiho Juun 06, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qaybgalay Munaasabadda Soo Dhawaynta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Dadwayne oo ay soo qabanqaabiyeen Isbahaysiga Ururrada Siyaasadda Soomaaliya.
Wasiir Fiqi oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Xisbiyada Siyaasadda dalka ay u baahanyihiin Masaaxad Siyaasadeed oo ay ku soo bandhigaan Branaamijyadooda, isla markaana heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran uu u sahlayo in ay Xafiisyo ka furtaan Dowlad Goboleedyada dalka kana tartamaan, taas oo aan markii hore loo ogolayn. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Shiekh Maxamuud isagoo jooga bil uu miiska soo saaray arrimaha doorashooyinka dalka, taas uu sheegay in ay Dowladdu hortabin u leedahay.
Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan lasoo magacaabi doono in uu qaban doono dhammaan doorashooyinka ka dhacaayo dalka sida doorashooyinka Dowladaha Hoose, Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada iyo Doorashooyinka heer federaal.
Ugu Dambayn, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar tahay in wada hadal la furto Ururrada Siyaasadda ee tabashada ka qabo heshiiska siyaasdeed ee Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana uu albaabada Dowladda u furanyahay cid kasta oo tabasha ama soo jeedin ka qabta dedaallada socda.