- June 6, 2023
- Posted by: Xidig
- Categories: Banaadir, Wararka
Muqdisho Juun 06, 2023; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa hortagay Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Aqalka Sare BFS.
Kulanka Guddiga oo ay shir guddoomisay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Wasiir Fiqi lagu waydiiyay waydiimo la xiriira shaqada Wasaaradda ee dhanka Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Dowlad Goboleedyada. Xubnaha Aqalka Sare ayaa ee ka tirsan Guddiga ayaa mid mid u waydiyay wasiirka Waydiimaha ay qabeen.
Wasiir Fiqi ayaa ka warceliyay waydiimaha xubnaha Aqalka Saree ee ka tisan Guddiga, isagoo ka turxaan bixiyay meelaha ay sida gaarka ah diiradda u saarayeen mudanayaasha iyo marwoowyinka fadhiyay goobta kulanka.
Sidoo kale, Wasiir Fiqi waxaa wehliyay Agaasimiyaal iyo la-taliyaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo iyaguna sharraxaad dheeri ah ka bixinyay arrimaha la xariira farsamada shaqada ay qabatay Wasaaradda iyo kuwa haatan socda.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bogaadiyay Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Aqalka Sare sida hufan oo ay shacabka ugu adeegayaan, Wasiir Fiqi ayaa sheegay in tallabadaan Isla Xisaabtanka ah ay tahay muhiim Dowladnimada, Wasaaraddiisuna ay diyaar u tahay isla xisaabtanka.
Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Aqalka Sare BFS senator Deeqa Xasan Xuseen oo ku hadlaysay Afka Guddiga iyo Guud ahaan Aqalka Sare ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ugu mahadcelisay sida ay Masuuliyadda ku dheehantahay uu Wasiirka usoo ajiibay u yeerista Guddiga iyo sida uu u sharxay waydiimaha xubnaha Aqalka Sare, Waxay sidoo kale Guddiga Bogaadiyeen Shaqada Wasaaradda.