Wasiir Ashkir Oo Qaabilay Madaxda Konrad Adenauer Foundation

 

Muqdisho Juun 03; 2023; Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Abdihakim Ashkir ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Mas’uuliyiin ka socda Hay’adda Konarad Adenauer Foundation, Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira Geeddiga Dowlad Dhiska Soomaaliya, Nabadaynta iyo Dib-u-heshiisiinta.

 

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda oo hadal kooban ka jeediyay kulan ayaa si gaar ah hoosta uga xarriiqay arrimaha la xiriira Dib-u-heshiisiinta, Xasilinta, Dowladaha Hoose, Doorashooyinka Dadwayne iyo Guud ahaan dedaallada Wasaaradda ee Dimuqraadiyadaynta Dalka. Mudane Ashkir ayaa sidoo kale ku ammaanay Dowladda iyo Shacabka Dalka Jarmalka Dowrkooda ku aaddan dib u dhiska Soomaaliya.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cayduruus Macallin Xassan ayaa isaguna madash kulankaa ka sheegay arrimaha farsamo ee la xiriira qodobada uu Wasir ku xigeenka Wasaaradda carrabka ku dhuftay.

 

Ugu dambayn, Masuuliyiinta ka socday Konrad Adenauer Foundation ayaa Wasiir Ku xigeenk iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda u sharaxay shaqada ay ka qabtaan Gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan wadanka Jarmalka. Sida kale waxay ugu mahadceliyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud Wadatashaqaynta Wasaaradda.