Mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobjoog ka ahaa gebogabada shirweynaha qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta goobjoog ka ahaa gebogabada shirweynaha qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo muddo saddex cisho ah ka socday caasimadda Muqdisho.

 

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo madasha gudaheeda uga qeybgalay fadhi xog wareysi ah ayaa ka hadlay ahmiyadda dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, kaalinta da’yarta ee kahortagga colaadaha, dhiirrigelinta isdhexgalka bulshada, helidda cadaalad bulsho iyo qaar kale, waxaa kale oo uu ku dheeraaday sida ay tahay in fursado u helaan dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah, isaga oo ballanqaaday in Wasaaraddiisu iyo guud ahaa xukuumadda ay hortabin siinayaan da’yarta.

 

Madasha waxaa kale oo ka hadlay Wasiirrada Cadaaladda iyo Amniga, iyo sidoo kale latliyaha madaxweynaha arrimaha Xagjirka.