Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan XFS ayaa maanta booqday degmada qadiimiga ah Balcad oo ka tirsan Shabeellada dhexe.
Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdigan sare waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyay maamulka degmadaasi oo dhacda 30km waqooyiga caasimadda Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka warbixiyaya safarkiisa iyo goobaha ay ka tageen degmada Balcad Waxaa uu yiri,
“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka Hirshabelle gaar ahaan maamulka Shabeellada dhexe iyo maamulka degmada Balcad oo aan maanta joogno, Sharaf weyn ayey noo tahay inaan soo booqanno magaalada qadiimiga ah ee Balcad, waxaan soo booqannay warshaddii, magaalada, sameynta webiga iyo waddadii weyneyd ee uu ka socotay mashruuca lagu geynayo Jowhar”.
Mudane Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa ugu dambeyntii bogaadiyay horumarka ka jira Balcad isaga oo intaa raaciyay in laga shaqeyn doono horumarkeeda,
“Reer Balcad waxaa ay noo sheegeen in tan iyo markii ay howlaggalada bilowdeen ay degmada Balacqd ka nasatay weearadii iyo dhibtii ay ku hayeen kooxda Khawaarijta, horumar ayaan u rajeyneynaa degmada iyo dadkeeda iyo in hesho maahaariic ay ka mid tahay dib u dhiska Warshadii dharka”.