๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š

Guddiga Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga ayaa Xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka daah furay โ€œ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฅ๐ ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐šโ€.

ย 

Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Dhulgariirka Dalka Turkiga Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Md. Ahmed Moallim Fiqi ayaa martida kusoo dhaweeyay Madasha Martida kasoo qaybgashay Munaasabdda.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Raiโ€™sul-wasaaraha Dalka, qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirrada, Ku simaha Duqa magaalada Muqdisho, Xildhibaanno iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

ย 

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Raโ€™iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaaโ€™udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

ย 

Raโ€™iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Mudane Xamse wuxuu sidoo kale u soo jeediyey madaxda dowlad gobaleedyada inay abaabulaan kulamo looga qaybqaadanayo gurmadka walaalaha Turkiga ee dhibaateysan.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhanka kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isagoo ku baaqay in si shuruud laโ€™aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.

ย 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ahna Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Dalka Turkiga mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in la garab istaago Shacabka iyo Dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Turkiga.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi waxaa uu raaciyey โ€œSoomaaliya waxay haysataa fursad ay ugu abaal guddo garab istaagga iyo taagerada aan xisaabta lahayn oo ay Turkiga siiyeen Dalkeen, waa fursad ay Soomaaliya ku muujin karto in soomaaliya aysan illaawin saaxibadood”.

ย 

Ugu danbeyn, Gudoomiyaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhul gariirka Dalka Turkiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kasoo qaygalayaasha iyo Madaxda joogtay Madasha la wadaagay Muuqaal soo kabay Xajmiga Dhibaatada ku dhacday walaalaheen iyo Waxyaabaha ay Soomaaliya u qabtaan.ย 

ย