- January 12, 2023
- Posted by: Aleelo
- Category: Wararka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshsiinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa arbacadii kaqaybgalay Shir-Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya isaga ka hadlay ahmiyadda laanta garsoorka, awooddiinta shaqadeeda, baahinta iyo kalsoonida ay hadda ku qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Fiqi oo Khudbad kooban kajeediyey kulanka ayaa ugu horreyn waxaa uu ka hadlay ahmiyadda garsoorka dalka Isaga oo yiri “ Shir sanadeedkan waxaa uu ka mid yahay awoodda dowladda midda ugu muhiimsaneyd, in aan kasoo qeybgalno sharaf ayey noo tahay, dadku Baarlamaanka marka la furayo waa ay yaqaanaan, goleyaasha fulinta waa la yaqaan, laakin garsoorku waa uu ugu tallaabo gaaban yahay, waana ugu waxqabad badan yahay, marka in la weyneeyo, oo la isugu yimaado arrimaha garsoorka, maadaama ay taabanayaan dowlad iyo qof inta u dhaxeysa”.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Fiqi waxaa uu adkeeyey baahida loo qabo in garsoorku helo gacantii wax fulin laheyd xukunka marka la rido.
“Hey’adaha dowladdu waa ay joogaan, waa in Garsoorku helo gacantii wax fulin laheyd, xukunka marka la rido si looga maarno kooxo dadku ku qaldaan kooxxan argigixisada ah, Maxkamadda ku garab furnaan jirtay hadda waa ay qarsoontaye, maxkamaddaas in lasii fogeeyo, oo ay baaba’do, dadaalkiina waa uu socdaa, oo argigixisadu kalsoonina waa ay waayeen, awooddii dhaqaale waa waayeen, awooddii ciidanna waa ay wiiqantay, marka ay sidaasi noqoto, micnaheedu waa dadkii ay qasbi jireen, waxaa ay usoo gaddoomayaan maxkamaheennaan” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa.
Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu soo qaatay in nidaamka Garsoorka ee dalka horay loogu heshiiyay, lana dhameystirayo isaga oo usoo jeediyey hey’adaha Garsoorka in ay qaataan nidaamkaas.