Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo gaaray degmada Aadan Yabaal

๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐˜‚๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฟ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ, ๐—™๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐——๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚ ๐—›๐—ฒ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ถ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐—ฎ๐—ป๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐˜‚๐˜€ ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—น๐—ถ๐—บ ๐—ซ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฑ๐˜‚๐—น๐—น๐—ฒ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada dhowaan laga saaray Khawaarijta ee Aadan Yabaal, Shabeellada dhexe ee dowlad goboleedka Hirshabelle.
Socdaalkan oo la xiriiray u kuurgalidda howlaha hortabinta u leh xasillinta degmada iyo goobaha ku dhow ayaa waxaa qeyb ka ahaa heyโ€™adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha xasillinta iyada oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Shabeellada dhexe mudane Axmed Mayre, guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal mudane Maxamuud Sheekh Xasan iyo masโ€™uulin kale oo deegaanka ah.
Si baahiyaha jira iyo arrimaha hortabinta leh u leh degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow wax looga ogaado, wafdiga ayaa kulammo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka sida odeyaasha, haweenka iyo dhalinyarada, iyaga oo kormeer ku tagay xarummo dowladeed, ceelal, goobo waxbarasho iyo caafimaad ay burburiyeen Khawaarijta, kuwaas oo u baahan dayactir iyo howlgelin.
Safarkan ayaa imaanaya todobaad kadib markii ay degmadaasi booqasho ku tageen Raโ€™isul Wasaare Xamze Barre iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi.