“Daadajinta Maaliyada” Kulan howleedka daadajinta Maaliyada ee dowladaha hoose

35

Agaasimaha Guud ee Wassaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa soo xuray kulanka howleedka daadajinta maaliyadda ee dowladaha hoose.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan dowlad goboleedyada dalka waxaana si wanaagsan loogu lafa guray sida ay u shaqeeyaan sedexda heer ee dowlada ee kala ah heer Federaalka, heer Dowlad Goboleed iyo heerka dowladaha hoose.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa had iyo jeer ku howlan sidii ay dib u dhis ugu damayn lahayn hay’adaha Federaalka dalka ku waas oo larabo in ay hirgaliyaan nidaamka federaalka oo ay qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedeaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa ku bogaadiyay howl wadeenada ka kala socday dowlad goboleedyada dalka sida ay ugu howlan yihiin dib u dhiska iyo horumarinta hay’adaha federaalkaoo ay ka howl galaan.

“Horumarinta Danta Guud, waa Horumarinta Dantaada”