“Sabiid Iyo Caanoole” Wafdi Heersare Ah Oo Ay Horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib U Heshiisiinta Ayaa Booqday Deegaanka Sabiid Iyo Caanoole.

25

Madax heer sare ah oo ka socota Dowlada Federaalka Soomaliya oo ay hogaamineyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta ayaa booqday deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee dhawaan laga xureeyay kooxda Argagixisada ah ee Shabaab.

Ujeedada booqashada wafdiga ayaa ahayd sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaalada ka jirta deegaanda Sabiid iyo Caanoole ee dhawaan dib looga xureeyay kooxaha argagixisada ee haystay mudo ka badan toban sano ku waas oo baabi’iyay dhamaan adeegyada asaasiga ah ee bulshada sida Waxbarashada caafimaadka iyo ganacsiga.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa gaarsiiyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan deegaanada Sabiid iyo Caanoole Deeq raashin ah oo iskugu Jirta Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Isak ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamka, Ganacsatada  Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala dumawan inay la soo gaaraan wax kasto oo ay awoodaan oo tabarucaad ah maadaama ay halkaas ku dhibaataysan yihiin shacab Soomaaliyeed oo ay mudo badan gacanta ugu jireec cadowga soomaaliyeed ku waas oo ku waayay xoolohoodii iyo dhalintoodii oo ay ku baabi’iyeen ladagaalanka dowlad nimada soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa markasta ku howlan sidii loo badbaadin lahaa uma soomaaliyeed ee laga dulqaaday cadowga argagaxisada looguna soo celin lahaa adeegyada aasaasiga ah oo ay u baahan yihiin iyo in lagu garab istaago sidii ay u dhisan lahaa yeen maamul ku imaaday rabitaanka bulshada deeganka kaas oo ka shaqeyn doona horumarinta adeega ay u baahan yihiin bulshada deegaanka kunool.

“Horumarinta Danta Guud, waa Horumarinta Dantaada”