“Dhaqanka Galmudug” Wasiir Eng Cabdi Maxamed Ayaa Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Ee Kazoo Jeeda Dowlad Goboleedka Galmudug.

20

Wasirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Eng Cabdi Maxamed Sabriye oo mudooyinkii dambe ku mashquul Sanaa xal u helida khilaafyada siyaasadeed iyo mida bulsho ee sanadihii ugu dambeeyay ka taagnaa dowlad goboleedka galmudug ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda dhamaan gobolada iyo deeganada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii loo dardar gelin dib u heshiisiinta waarta dibna loogu dhisi lahaa dowlad goboleedka galmudug oo uu mudo xileed keedii ku ekaa bishii Luuliyo ee sanadkan 2019.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay qodobo aad muhiim u ahaa oo ay kamid tahay in la sameeyo dib u heshiisiin u dhaxeysa dhamaan beelaha dega dowlad goboleedka galmudug iyo sidii odoyaasha dhaqanka deegaanka ay kaalin muhiim ah uga qaadan lahaayeen Galmudugta cusub oo ay u wada dhan yihiin guud ahaan beelaha daga deegaanada dowlad gobolweedka galmudug.

Ugu dambeyn Odayaasha dhaqanka ayaa balan qaaday in ay kaalintooda ka qaadan doonaan dib u dhiska dowlad goboleedka galmudug iyo sidii loo heli lahaa dib u heshiisiin waarta oo ka dhacda guud ahaan dowlad gobleedka galmudug.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa mar waliba u taagan sidii loo heli lahaa deegaan nabdoon lehna maamul ka yimid Bulshada deeganka.

“Horumarinta Danta Guud, waa Horumarinta Dantaada”