“Bariire” Wafdi Heersare Ah Oo Ay Horkacayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib U Heshiisiinta Ayaa Booqday Deegaanka Bariire.

32

Madax heer sare ah oo ka socota Dowlada Federaalka Soomaliya oo ay hogaamineyso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisinta ayaa booqday deegaanka Bariire ee dhawaan laga xureeyay kooxda Argagixisada ah ee Shabaab.

Ujeedada booqashada wafdiga ayaa ahayd sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaalada ka jirta deegaanka Bariire ee dhawaan dib looga xureeyay kooxda argagixisada ee haystay mudo ka badan toban sano ku waas oo baabi’iyay dhamaan adeegyada asaasiga ah ee bulshada sida Waxbarashada iyo caafimaadka.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa gaarsiiyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan deegaanada Sabiid iyo Caanoole Deeq raashin ah oo iskugu Jirta Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Isak ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamka, Ganacsatada  Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala dumawan inay la soo gaaraan wax kasto oo ay awoodaan oo tabarucaad ah maadaama ay halkaas ku dhibaataysan yihiin shacab Soomaaliyeed oo ay mudo badan gacanta ugu jireen cadowga soomaaliyeed ku waas oo ku waayay xoolohoodii iyo dhalintoodii oo ay ku baabi’iyeen ladagaalanka dowlad nimada soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa markasta ku howlan sidii loo badbaadin lahaa uma soomaaliyeed ee laga dulqaaday cadowga argagaxisada looguna soo celin lahaa adeegyada aasaasiga ah oo ay u baahan yihiin iyo in lagu garab istaago sidii ay u dhisan lahaa yeen maamul ku imaaday rabitaanka bulshada deegaanka kaas oo ka shaqeyn doona horumarinta adeeg yada ay u baahan yihiin bulshada deegaanka kunool.

“Horumarinta Danta Guud, waa Horumarinta Dantaada”